1. Hordhac

Waaxda Xalka Waara ee Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranku waxay u igmantahay sidii xal waara ah loogu helilahaa Barakacyaasha, Qaxoontiga iyo Soonoqdayaasha iyadoo loo sameynayo dib u dejin, siin dhul iyo hoy, tobabar xirfadeed iyo abuuris gancsi iyo sidii wadankoodii loogu celin lahaa dadka Qaxoontiga iyo magengelyo doonka ku nool gudaha dalka iyo sidii wadan saddexaad loo geyn lahaa si xal waara loogu helo dadka Qaxoontiga, iyadoo la raacayo siyaasada heer qaran ee Hay’adda  Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka jsl.

Waaxda Xalka Waxa ay Ka Koobantahay saddex Madax Qaybeed (Section) iyo afar Unnug (Unit) oo kala ah:-

  1. Qaybta Isdhexgalka Bulshada (Integration Section)
  1. Qaybta Dib u Dejinta(Resettlement Section)
  1. Qaybta Dhulka iyo Guriyaynta Hoyga(Housing, Land and Properties Section)

2. Qaab Dhismeedka Waaxda Xalka Waara (Durable Solution Section).

B. Qaybta Taagerida Isdhexgalka (Integration Section)

1. Taageerida is dhexgalka Bulshada iyo sidii dadka Barakacayaasha iyo Soo-noqdayaasha, Qaxoontiga ay uga mid noqon lahaayeen bulshada ay la noolyihiin, iyadoo loo fulinaayo mashaariic ay ka wada faaiidaystaan (Community integration Projects).

2. Tababarida iyo kor u qaadida xifradaha shaqo ee dadka Barakacyaasha, qaxoontiga iyo soonoqdayaasha, iyadoo la baraayo xirfado ay kaga marmaan ku tiirsanaanta Hay’addaha .

2. Maalgelinta iyo abuurista Ganacsiyo Dadka Barakacayaasha, qaxoontiga iyo soo-noqdayaasha si ay u gaadhaan isku filnaasho ugana Baxaan xaladaha liita ee ay ku sugan yihiin.

3. Diyaarinta Qorshaha iyo siyaasada xalka waara ee heer qaran.

Taageerida iyo kabka dhaqaalaha dadka barakacayaasha, qaxootiga iyo soonoqdayaasha.

4. Diyaarinta warbixinaha Qaybta.

T. Qaybta Dib u Dejinta (Resettlement Section)

  1. Diyaarinta siyaasadda Maalgelinta Soonoqdayaasha.
  2. Hogaaminta dhamaan shirarka khuseeya arrimaha soonoqdayaasha iyo isku dubbaridkooda.
  3.  Taageerida dadka qaxoontiga sidii wadan saddexaad loo geyn lahaa iyadoo la raacayso siyaasahada iyo shuruucda caalamiga ah ee Ururka Qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxoontiga.

4. Sidii Dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka barakacyaasha yadoo loo raadinayo dhul iyo meel ku fiican degsiimada.

5. Diyaarinta Qorshaha Rarista iyo dejinta goobo cusub dadka Barakacayaasha ah.

6. U Fududaynta dadka Qaxoontiga ama magangelyo-doonka ah ee iskood ugu noqonaya wadamadoodii.

7. u Fududaynta Hay’addaha ay khusayso dadka Qaxoontiga ah ee wadan saddexaad ay geynayaan.

8. Daba-galka Mashaaricada Dib-u-dejineed ee ay siiyaan Hay’adduhu Barakacyaasha, Soonoqdayaasha,Qaxoontiga iyo hubinta dhamaan maal-gelinta Hay’addahaasi inay si toos ah u gaadhaan ciddii loogu talo galay.

9. Diyaarinta warbixinaha Qaybta.

J. Qaybta Dhulka iyo Guriyaynta Hoyga (Housing, Land and Property)

  1. Diyaarinta Qorshaha sharciyeynta dhulka dadka Barakacayaasha iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda hawlaha guud iyo Dawladaha hoose ee dalka.
  2. Diyaarinta mashaariicda guriyeynta dadka barakacayaasha ah.
  3. Hogaaminta mashaaricda guriyeynta dadka barakacayaasha ah.
  4. Diyaarinta Warbixinta dhulka iyo hoyga.
  5. . Qaban-qaabada iyo fulinta shirarka hoyga iyo dhulka.
  6. Diyaarinta Qorshayaasha Barakacayaasha dhul u baahan si loogu gudbiyo D/Hoose iyo Hay’addaha kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin.
  7. Diyaarinta warbixinaha Qaybta.

3. Liiska Shaqaalaha Waaxda Xalka Waara (Durable Solution Staff List)

S/n

Magaca Shaqaalaha

Xilka

Telephone

1

Mohamed Abdirahman Hussein

Agaasime

0634072688

2

Mohamed Omer Osman

K/Agaasime

0634459917

3

Mustafa Abdirahman Kosar

Qaybta is Dhexgalka (Integration Section)

0634834467

4

Sa’eed Yousuf Sugaal

 

Qaybta Dhulka iyo Guriyeynta Hoyga (Housing, land and propertySecton)

0634295419

5

Amal Ali Mouse

 

           

Qaybta Dib u Dejinta (Resettlement Section)

0634844681

6

Haboon Sa’eed Suge

Unnuga Rarida Barakacayaasha (Relocation Unit)

0634503604