Waajibaadka Waaxda Barakacayaasha ee HQBQ.
                                                                              NDRA IDP DUTIES.

 

  1. Diwaan galinta iyo tira koobida dadka Barakacayaasha ah  ee Degan Kaamamka
  2. Daba galka iyo hubinta mashaariicda ka socda Barakacayaasha
  3. Fududaynta iyo nidaaminta dib u dejinta dadka barakacasha ah ee ku meel gaadhka ah iyo kuwa rasmiga ahba
  4. Diyaarinta sharciyadaha dhulka ee dadka barakcayaasha ah ee nugul loo semeeyo iyado la kaashanayo Dawladaha hoose ee dalka.
  5.  Hogaaminta mashaariicda guriyeynta dadka Barakacayaasha ah.
  6. Waxay waaxdu qabataa oo ay hogaamisaa shirar bile ah oo kala ah daryeelka dadka jilicsan (protection working group), Guriyaynta iyo dhulka (Housing, land and property) ee dadka barakacayaasha iyo hoyga (shelter) Maamullida isku xidhka kaamamka Barakacayaasha (CCCM)
  7. Waxay waaxdu tababartaa guddiyada Dadka barakacayaasha ah
  8.  Waxay waaxdu fulisaa addeegyada loo qabto dadka barakacayaasha ah sida Raashin qeybin, lacagaha lagu taageero, biyaha, caafimadka, waxbarshada iyo dhamaan adeegyada assasiga ah ee dadka Barakacayaasha ahi u baahan yihiin.

 

  1. Waxay waaxdu fulisaa siyaasadda Barkacayaasha qaranka ee Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NDRA)
  2. Waxay waaxdu u raadisa dadka barkacayaasha ah in degsiimo rasmiya loo helo
  3. Waxay waaxdu ka hortagtaa in dad barakacayaal ah oo la aqoonsan yahay ay ku dhacdo barakicin ka dhan ah xuquuqda muwadinka reer Somaliland ee barakaca ah.
  4. Waaxdu waxay fulisaa mashaariicda xal u helidda dadka barakacayaasha ah kuwa degaamadoodii hore ku noqonaya, kuwa dib u xoolayn loo samaynayo iyo kuwa xirfad loo samaynayo.
  5. Waaxdu waxay door wayn ka qaadataa rarida iyo dajinta dadka barkacayaasha ah ee la dajinayo dgsiimooyinka rasmiga ah.
  6. Waaxdu waxay diyaarisaa warbixinta billaha iyo sanadlaha ah ee Waaxda Barakacayaasha
  7. Waaxdu waxay kormeertaa dhamaan adeegyada ka socda goobaha Barakacayaasha.
  8. Ka jawaabida cabashooyinka dadka barkacayaasha ah
  9. Samaynta gudiyada Barakacayaasha
  10. Diyaarinta xeer hoosaadyada Gudiyada Barakacayaasha
  11. Ilaalinta iyo ka warhaynta dadka Barakacayaasha ah ee baahiyaha gaarka ah qaba