Hordhac.  

Waaxda qorshaynta iyo tirokoobka waxay u xilsaaran tahay samaynta qorshaha hay’adda, fulinta, hirgelinta iyo habsami u socodsiinta
 qorshaha dhow iyo ka fog ee hay’adda, iyadoo markasta la jaan-qaadaysa qorshaha guud ee hrumarinta qaranka NDP JSL. Waxa ayna kormeer iyo dabagal ku samaysaa hawlaha ay fulinayso hay’addu iyadoo
 mid kasta ka war bixinaysa qaabkiisa shaqo. Waaxda qorshaynta ee Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Waxay ka kooban tahay 
lix qaybood (Section) oo kala ah:- 

  • Qaybta Siyaasadda iyo Dhaqaale Raadinta. 

  • Qaybta Tirokoobka iyo Cilmi Baadhista.  

  • Qaybta Qiimaynta iyo Dabagalka. 

  • Qaybta Iskudubaridka iyo Qorshaynta. 

  • Qaybta Xidhiidhka Dadwaynaha. 

  • Qaybta Warbixinaha. 

 

  1. Qaybta Siyaasadda iyo Dhaqaale Raadinta:- 

 

         Qaybtani waxa ay u igmantahay:-   

  • Hirgalinta Horumarinta iyo sugida siyaasaddaha qorshaysan ee hay’addu  dajisatay 

  • Diyaarinta qoraalo hufan oo la doonaayo in wax loogu qabto arrimaha la xidhiidha hawlaha wax qabad ee HQBQ 

  • La samaynta xidhiidh iskaashi oo wacan dhamaan cid kasta oo wada 

 shaqayn la leh HQBQ. 

  • Diyaarinta qorshayaal iyo qoraalo loogu raadinaayo dhaqaale dadka iyo  

meelaha u baahan in wax laga qabto.  

 

  1. Qaybta tirokoobka iyo cilmi baadhista  

 

            Waxa ay u igman tahay qaybtani:- 

  • Nidaaminta iyo ku shaqaynta nidaamka tirokoobka (statistics). 

  • Diyaarinta warbixino kooban oo ka turjumaaya waxqabadyadda hay’adda  

isagoo raacaya tirokoobka sugan. 

  • Fulinta iyo ka qaybgalka dhamaan wixii ku saabasan cilmi baadhis. 

 

 

  1. Qaybta Qiimaynta iyo Dabagalka. 

    Waxa ay u igman tahay qaybtani:- 

  • Sahaminta iyo kormeerida mashruucyada ka socda Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 

  • Soo sahaminta ka talo bixinta sugidda goob kasta oo laga fulinayo mashariicda Hay’adda khusaysa. 

  • Dabagalka iyo qiimaynta mashruucyada Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha kuwa socda iyo kuwa dhamaaday ba .     

 

  1. Qaybta Isku-dubaridka iyo Qorshaynta Hawlaha 

    Waxa ay u igman tahay qaybtani 

  • Qaybtani waxa ay masuul ka tahay isku xidhka waaxyaha iyo dhamaan  

shaqooyinka ka socda HQBQ. 

  • Nidaaminta iyo abaabulka shirarka waawayn ee ay Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka. 

  

  1. Qaybta Xidhiidhka Dadwaynaha  
    Waxa ay u igman tahay qaybtani:- 

  • Isku xidhka waaxaha ay hay’addu ka kooban tahay. 

  • Isku xidhka warbaahinta iyo hawlaha ka socda Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 

  • Diyaarinta xogaha la baahinaayo eek u saabsan waxqabadyadda Hay’adda 

 

  1. Qaybta warbixinaha   
           Waxa ay u igman tahay qaybtani:-  

  • Diyaarinta warbixinaha todobaadle, bille iyo sanadle ee Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka wakhtiga loogu tala galay.  

  • Samaynta buug ku saabsan dhamaan waxqabadka Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka. 

    Qaabdhismeedka waaxda Qorshaynta 



updated by ICT Department.