WAAXDA QAXOONTIGA.
 

Waaxdani waxay masuul ka tahay u adeegista dadka Qaxootiga iyo magangelyo--doonka ah, ee si sharci ah ku jooga dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah sidan:

1) Qaybta u adeegista Qaxoontiga

Qaybtan adeegga arrimaha Bulshada waxa ay u adeegtaa dadka Qaxoontiga iyo Magangelyo-doonka ah waxayna u qabataa hawlahan soo socda:-

  • U raadinta Qaxoontiga xuquuqda aasaasiga ah, sida hab-nololeedka, Caafimaadka , Tacliinta, Nabad-gelyada IWM.
  • B. kormeerka iyo daba -galka Adeegyada loo sameeyo dadka    qoxoontiga iyo magangalyo -doonka ah.
  • wacyi gelinta dadka Qaxoontiga ah.
  • Kormeerida Xuduudaha iyo u kuurgalka xaaladda dadka soo galootiga ah.

2) Qaybta diiwaan gelinta.

Qaybta Diiwaangelinta Qaxoontiga iyo Magangalyo-doonka ee Waaxdda Qaxoontigu waxa uu ka koobanyahay laba xafiis oo kala ah xafiiska xarunta dhexe ee Hargaysa iyo xafiiska Berbera kuwaas oo masuul ka ah diiwaagelinta dadka ajaanibka ah ee soo codsada in ay xaalad qaxoontinimo ugu noolaadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Dadkaas ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah; kuwo si wadar ah loogu aqoonsado qaxoontinimo (prima facia) kuwaas oo ah kuwa ay dalalkooda ka jiraan xasarado caam ah oo waxyeeleeyay nidaamkoodii dawladnimo. Dadkan ka yimaadda waddamadaas oo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland siiyay aqoonsi qaxoontinimo oo caama. Qaybta labaad ayaa loo diiwaangeliyaa habka magangelyo-doonimada kuwaas oo mara nidaamka go’aan ka gaadhista qaxoontinimada (RSD) marka la diiwaangeliyo ka dib. Hawlaha maalinlaha ah ee qaybtani qabato waxaa ka mida ah:-

1.  Qaabbilaadda, Soo dhaweynta iyo diiwaan-gelinta Qaxoontiga si sharci ah waddanka uga soo gala xuduudaha kala duwan ee dalka sida dhulka, Badda, iyo Hawada. 

2. Diiwaan-gelinta Qaxoontiga si waafaqsan Dastuurka, xeerarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa Caalamiga ah.

3. Kaydinta xogta Qaxoontiga iyo Magangelyo-doonka Waddanka ka diiwaangashan.

4. Bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga Qaxoontiga iyo shahaadooyinka Magangelyo-doonka.

5. ka jawaabista arrimaha la xidhiidha diiwaangelinta Qaxoontiga iyo Magangelyo-doonka.

6. Diyaarinta warbixinaha ku saabsan diiwaangelinta Qaxoontiga iyo Maganglyo-doonka.







                                  Department Structure



Update by NDRA ICT DEPT.