Faah-faahin: Hay'adda Qaxoontiga & Barakacayaasha Qaranka Oo Dhar Uqaybisay Dad isugu Jira Barakcayaal iyo Sooguurto


Hay'adda Qaxoontiga iyo Barkacayaasha JSL ayaa soo gebogebaysay shaqo dhar qaybin ah oo ay maalmahan kawaday gobolada Maroodijeex iyo Gabilay, ugu horrayn waxa ay hay'addu dhar isugu jira kuwa dhaxanta laga xidho iyo qaar loogu talo galay in la xidho xilli roobaadka ay u qaybisay kumanaan dad ah oo Barakacyaal ah, kuwaasi oo kala degan kaamamka kala ah Naasahablood A & B, Maxamed Mooge A& B, Malowle iyo Qalax oo dhammaantood hoos yimaadda Gobolka Maroodijeex.



Dhanka kale waxa ay Hay'addu isla dharkan oo kale kaqaybisay degmada Wajaale oo ay kusuganyihiin dad soo guurto ah oo kasoo barakacay abaaraha kajira dalka, kuwaasi oo xoolahooda ulasoo guuray Banka Wajaale, iyada oo halkaasi loogu qaybiyey dhar ay kaga gaashaantaan dhaxanta iyo roobkaba.



Guddoomiyaha HQBQ Md C/kariim Axmed Maxamed  ayaa mahadnaq ballaadhan udiray hay'adda Boqor Salmaan oo kadhisan dalka Sucuudiga oo iyadu deeqdan dharka ah soo gaadhsiisay Bulshada nugul ee kusugan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in aanay ahayn markii u horraysay oo deeq ay keento hay'adda Boqor Salman balse ay dhawr goor oo hore ay deeqo soo gaadhsiisay HQBQ oo iyadu dalka uga masuul ah Bulshooyinka nugul ee Barkacayaasha iyo Qaxoontigaba.

Ugu Danbayn Siciid Gaboobe oo isagu masuul ah masuulka Hay'adda Boqor Salman uga wakiil ah dalka ayaa sheegay in Dawladda Sucuudigu ay walaalahooda baahan ee kusugan Somaliland ay had iyo goor soo gaadhsiiyaan deeqo isugu jira raashin iyo dhar, intanina aanay noqon doonin intii ugu danbaysya balse ay sii wadi doonaan deeqaha ay soo gaadhsiiyaan Bulshada nugul ee kusugan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.


NDRA/Hargeysa.