Faah-faahin: Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha JSL Oo Todobaadkan Uqaybisay Taandhooyin Dad Danyar ah

Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacyaasha JSL, iyada oo gudanaysa waajibaadka kasaaran dadka nugul, waxa ay muddo  afar cisho ah wadday qaybinta taandhooyin loogu talo galay in ay Hoy u noqdaan dadka danyarta ah ee kunool kaamamka Barakacayaasha gobolka Maroodijeex.



Hay'addu iyada oo kaashanaysa hay'adda Boqor Salmaan ee dalka sucuudiga, waxa ay taandhooyin u qaybisay 370 qoys oo kukala sugan kaamamka kala ah,
 Naaso hablood A & B oo Taandhooyinkaasi loogu qaybiyey 80 qoys, 
 Maxamed mooge  A 50, Maxamed mooge B 50 Qoys

 kaamka Malowle 50 Qoys,  
kaamka 
Ayax 40 Qoys
kaamka degmada Balli-mataan 50 qoys
kaamka degmada Sallaxley oo iyadana 50 qoys loo qaybiyey, guud ahaan tiradaasi oo dhan 370 Qoys waxa ay ka  faa'idaysteen deeqdaasi Taandhooyinka ah oo ay kusoo deeqday hay'adda Boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga.