G/xigeenka HQBQ Oo Kulan la qaadatay Wefti Socda Waddamada Yurub Qaarkood
Guddoomiye xigeenka Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Faadumo C/laahi Cumar ayaa kulan la qaadatay wefti kasocda waddamada Austria iyoSwitzerland oo ay weheliyaan masuuliyiin kasocday hay'adda qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha qaxoontiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR.
ujeedada kulanka ayaa ahaa isxog waraysi kusaabsan sidii dalkooda hooyo loogusoo celin lahaa dadka reer Somaliland ee waddamada Yurub kugalay si Tahriib ah, balse markii ay sharci iyo deganaansho kawaayeen iyagu go'aansada in Dadlkooda dib ugu noqdaan iyaga oo aan la khasbin.