WAAXDA XIDHIIDHKA GOBOLADA

Waaxda xidhiidhka gobolladu waxa ay u xil-saaran tahay isku xidhka xarunta haya’adda iyo xafiisyada gobollada.

Waaxda Xidhiidhka Gobollada waxa ay Waxa rasmi ah noqotay bishii

November 2019, markaas oo wareegto kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka lagu soo saaray isla markaana lala wadaagay hay’addaha kale ee qaranka sida:

Haya’dda Shaqaalaha iyo Waaxda Xisabaadka ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamahuuriyada Somaliland.

Waxaanay ka kooban tahay qaybahan soo socda:                 

    5.1. Xidhiidhka Gobadallada

Uruurinta Xogta Gobollada

Waaxda xidhiidhka gobolladu waxa ay xogta waxqabadka iyo baahiyaha oo todobaadle ah ka heshaa isuduwayaasha gobollada u jooga Hay’adda

Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka (HQBQ), xogtaas oo loo gudbiyo

Gudoomiyaha iyo dhamaan waaxaha kale ee ay taabanayso, haddii ay waxqabad tahay waxa lagu daraa warbixinta billaha ah ee ay HQBQ soo saarto, laakiin haddii ay baahiyo tahay waxa baahiyahaa lala wadaagaa cidkasta oo dabooli karta baahidaa laga soo sheegay gobollada dalka.

1. Isku xidhka xarunta haya’adda qaxoontiga iyo barakacayasha qaranka iyo xafiisyada gobollada ee haya’adda.

2. Xidhiidhka mashaariicda bini’aadanimo ee ka socda gobollada dalka iyo waaxyaha haya’adda qaxoontiga iyo barakacayasha qaranka.

3. Diyaarinta iyo isku dubbaridka munaasabadaha amashaqooyinka gobollada.

4. Hubinta habsami-u socodka hawlaha shaqo ee xafiisyada gobollada.

5. Samaynta iyo hagaajinta xogta ee waaxda Xidhiidhka Gobollada

6. Soo saarista xogta la xidhiidha xaaladaha bini-Adaannimo ee

Gobollada.

7. Samaynta xog kaydiye lagu ururiyo wararka la xidhiidha masiibooyinka dabiiciga ah ee keena burbur hantiyeed.

8. Ka qayb-galka shirarka bini-Aadminimo iyadoo ku matalaysa HQBQ.

9. U doodista gobollada ay ka jiraan xaalado bini-Aadminimo.

 

 5.2 U doodista Baahiyaha Gobollada

Baaqyada ka yimaada Isuduwayaasha ee ku saabsan baahiyaha ay qabaan dadka ay xafiisyada gobollada ee HQBQ u adeegaan ayaa had iyo jeer soo gaadha waaxda Xidhiidhka Gobollada, xafiisku isaga oo ka jawaabaya Baaqyadaa ay ka midka yihiin Biyo yaraan uu sababay roobkii deyrta oo aan helin inta badan gobollada Bariga Somaliland waxa ay waaxdu baaqyo biyo dhaan ah u dirtay dhamaan hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.

Waxa kale oo jira xaalada gaar ah oo ay qabaan qoysas ka mid ah dadka Qaxoontiga, Barakacayaasha, soo noqodayaasha iyo dadka muhaajiriinta ah ee ku nool gobollada Jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo ay u dodo waaxdu si ay uga baxaan qaar ka mid ah baahiyaha ugu daran.

waxa jira qoys dhamaantood naafo ah oo ku nool kaamka Barakacayaasha Wadajir ee Gabiley hadda ka hor waxa uu xafiiska HQBQ u fududeeyey in laga baahiyo TV-yada isla markaana uu warkoodu gaadho dadka, waa laga soo jawaabay isla markaana waxa loo soo uruuriyey lacag loogu talagalay in hoy ay ku noolaadaan oo ay dhaxanta iyo qoraxda ka galaan loo dhiso, waxaana masuuliyadda dhismaha guriga iyo dhamaystirkiisa ka masuul ahaa Isuduwaha HQBQ ee gobolka gabiley.

  

5.3. Maamulidda Xogta

1. Samaynta iyo hagaajinta xogta ee waaxda xidhiidhka goballada.

2. Soo saarista xogta la xidhiidha xaaladaha bini-adaannimo ee gobollada.

3. Samaynta xog kaydiye lagu ururiyo wararka la xidhiidha masiibooyinka dabiiciga ah ee keena burbur hantiyeed.

4. Ka qayb-galka shirarka bini-aadannimo iyadoo ku matalaysa HQBQ.

 

Qaabdhismeedka Waaxda Xidhiidhka Gobolada