Warbixinta Todobaadka Ee Xafiiska u adeegidda Muhaajiriinta Ee Hay’adda Qaxoontiga & Barakacayaasha JSL
Todobaadkan xafiiska MRC ee HQBQ waxa uu adeeg u fidiyay Dad tiradodu dhantahay (161 qof) oo muhaajirin ah, una baahanaa adeegyo kala duwan; sida in la diiwangaliyo, caafimaadkooda la eego lana daweeyo cidii u baahan, sidoo kale waxa laga jawaabay cabashadii ay qabeen qaar ka mida muhaajiriintu, waxa kale oo loo qaybiyay waxyaabaha aan cuntada ahayn sida; Bustayaal, Maacuunta cuntada lagu karsado, iyo Jirakaamo biyo ay ku shubtaan.
Waxa kale oo la talin loosameeyey dadka isku buuqsan ee xafiiska yimi iyada oo lasiiyay talo xaga maskaxda ah (psychosocial counseling support).
shaxdan hoose waxa aanu kusoo koobnay waxyaabihii loo qabtay todobaadkan dadka muhaajiriinta ah ee Dalka JSL ku sugun gaar ahaan inta soo booqatay xafiiska MRC.
No |
Adeegyada |
Tirada Dadka ah ee loo adeegay |
|
Caafimad |
90 |
|
Diwaangelin |
31 |
|
Latalin |
2 |
|
Ka jawaabida Cabashooyinka |
16 |
|
Wacyigelin |
11 |
|
Waxyabaha aan cuntada ahayn ee loo qaybiyey |
11 |
|
Wadarta guud |
161 |
SAWIRRO
XAFIISKA IT-ga iyo Warbaahinta
HQBQ JSL.