
Warbixinta Todobaadka ee Xafiiska U adeegida Muhaajiriinta Ajaanibta ah
xafiiska MRC ee Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha JSL, Todobaadkan waxa u adeeg siiyey Muhaajiriin tiradoodu dhantahay (174), kuwaas oo u baahnaa adeegyo kala duwan ee uu xafiisku u qabto socotoda loogana jawaabey dhamaan wixii uu qofka u baahna halkaas oo uu xafiisku ku caawiyey adeegyada kala duwan ee uu u qabto dadka socotoda ku ah wadanka iyada oo dhammaan adeegyadaa waxaa loogu qabtaa si bilaasha ah.
Adeegyada uu xafiisku u qabtay muhaajiriinta todobaadkan, waxaa ka mid ahaa adeeg caafimad , diiwangalin Socotada cusub, latalin dadka isku buuqsan ,qoridda muhaajiriinta u baahan wadankoodu dib loogu celiyo, wacyigelinta ku saabsan khatarta Tahriibka iyo Ilaalada caruurta.
Shaxdan hoose waxa ay koobsanaysaa tirada dadka loo adeegtay iyo adeegyada loo qabtay
No |
Adeegyada |
Tirada loo adeegay |
|
Caafimad |
107 |
|
Diwaangelin |
37 |
|
Latalin |
1 |
|
Ka jawaabida Cabashooyinka ee xaga telefoonka |
9 |
|
Wacyigelin khatarta Tahriibka |
20 |
|
Wadarta guud |
174 |
/MRC%20SAWIRRO/New%20folder/5.jpg)


NDRA/XAFIISKA HARGEYSA
IT-DEPARTMENT.