Warbixinta Xaaladda Barakaca Ee Laascaanood iyo Taallaabooyinka ilaa Iminka Xukuumaddu Qaadday

Dawladda jamhuuriyadda Somaliland iyada oo kaashanaysa Hay’addaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya waxa ay ku hawlanaayeen sidii loo taakulayn lahaa dadka ka barakacay xaaladda Laascaanood oo Tiradoodu dhammayd 25,705 qoys oo u dhiganta 154,230 Qof, Dadkaasi  oo la gaadhsiiyay caawimo iyo gargaar degdeg ah oo ay aad ugu baahnaayeen.

 

1: Biyo dhaamin: 10,323 Qoys

2: Adeeg Cafimad: 13,490 qoys 

3: Raashin: 1,590 Qoys

4: Hu’ iyo Alaabooyinka aan cuntada ahayn: 4,250 Qoys.
5. Adeegyada ilaalinta xuquuqda dadka barakacayaasha ah : 2,098 Qoys

 

Fiiro gaar ah: waxa jira  guddi farsamo oo ay hogaamiso Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranku oo iskudubaridda dhammaan arrimaha kaalmadda iyo caawimada bani’aadantinimo ee dadka ka barakacay  magaalada Laascaanood guddidaas oo ka kaaban lix xubnood oo iskugu jira dawladda, Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay.

 

Ka akhri Warbixinta oo faahfaahsan oo Soomaali iyo English ku qoran.

Warbixintan waxa ay ku eegtahay aprill , bisha May warbixin cusub ayaa la soo saari doonaa haddii Alle idmo.




HQBQ
Xafiiska Warbaahinta.